Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Warbixin kooban: Dowlad goboleedyada oo ku shiraya Muqdisho

Muqdisho (afdheer) Shalay waxaa Muqdisho isugu tagay madaxda dowlad goboleedyada dalka si looga arrinsado qaabka iyo waxa lala tagi doono shir ka dhici doona London oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay madaxda dowlad goboleedyada waxaa u yeeray xafiiska qaramada midoobay iyo safiirka London.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa la doonayaa inay la tagaan wax ay isku ogyihiin si Soomaaliya qorshe mideysan ula tagaan shirkaas.

Kulanka madaxda Soomaalida ayaa la sheegay in ay hurmuud ka yahay xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (axmed-madoobe) ayaa ka mid ah nadaxda ku sugan Muqdisho wuxuuna la kulmay madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya iyo madax kale.

Si kastaba ha ahaatee, shirka london ayaa la filayaa inay Soomaalidu la tagaan qodobo ay isku afgarteen si Soomaaliya looga saacido abniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga. Diwladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleeeyada ayaa si wadajir ah uga qeyb geli doona shurka ka dhacays Mey 2017 dalka Ingiriiska magaalada London.

 

Faafin: afdheer.com

 
TV Afdheer