Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Cudurka Shuban biyoodka oo ka dillaacay degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Yeed (afdheer) Idaacadda VOA laanta afsoomaaliga oo wareysi la yeeshay guddoomiyaha degmada Yeed ee gobolka Bakool ayuu guddoomiyuhu u sheegay in cudurka shuban biyoodku ka dillaacay degmadaas.

Weriye Cabdirisaaq Catoosh oo wareystay guddoomiyaha degmada Yeed Cabdi Faaqid Duwane ayaa xaqiijiyey in Yeed cudurka shubanka u dhinteen 35 ruux halka 100 ruux ka badan soo riday oo qaarna la dabiibay qaarna weli ku jiraan MCH-ka maadaama isbitaalkii weynaa ee degmadu uusan shaqeynin.

Guddoomiye Cabdi Faaqid ayaa Sheegay in ay caawin ka heleen dowladda federaalka gaar ahaan xildhibaanka deegaankan laga soo doortay Maxamed Jaamac Mursal (Geele) oo diyaarad ku soo gaarsiiyey deegaanada Yeed iyo Aato daawada ay isticmaalayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay guddoomiye Cabdi Faaqid Duwane in ay jirto hay'adda UNICEF oo kala qeybqaadatay badbaadinta dadka cudurkan helay oo u badan waayeelka iyo caruurta.

"ilaah baa wax bad-baadiya oo awood leh, ciddii nagala qeybqaadan kartana waxaan u dirayaa baaq deg deg ah in cudurkan loo dhimanayo laga caawiyo" sidaas waxaa yiri guddoomiyaha degmada Yeed Cabdi Faaqid.

Degmada Yeed ee bobolka Bakool ayaa xarunta dowlad goboleedka koonfur galbeed u kirta 180 Km halka ay caasimadda Soomaaliya u jirto qiyaas 400 Km hase ueeshee ay adagtahay isu socodka guud ahaan gobolada koonfureed er dalka taasoi ay adag tahay in caawin ku filan helaan dadka ku dhibaatoonsya gobolka Bakool gaar ahaan degmooyinka Yeed, Aato iyo Ceelbarde.

Faafin: afdheer.com

 
TV Afdheer