Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Qarni kadib degmada Dhanaan ee gobolka shabeele oo biyo yeelatay.

Dhanaan (afdheer) Wafti uu hoggaaminaayey madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tagay Dhanaan wuxuuna xarigga ka jaray madhruuc biyo galin ah.

Madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay biyo galiyey magaalada dhanaan oo ka mida magaalooyinka ugu faca weyn gobolada Ogaden regions oo in ka badan qarni aan laheyn ceel matoor ama biyo galin ay magaaladu ka cabto.

Sida uu sheegay madaxweynaha dowlad deegaanku mashruucan waa mashruuc deg deg loo sameeyey oo biyaha la keenay magaalada laga soo jiiday tuulo magaalada u jirta qiyaas 32 Km.

Biyaha waxaa lagu soo jiiday ama lagu xiriiyey beebab ama tuubooyin ka imaanaya matoorka tuuladaas oo qeyb ahaan biyaha matoorka tuuladaas heli doonaan magaalada Dhanaan.

Waftiga ayaa intii ay joogeen Dhanaan shacabka u qeybiyey raashin mucaawino ah oo ay gaarsiiyeen ree dhanaan.

shacabka ku dhaqan magaalada dhanaan oo kulan la qaaday madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey  biyaha macaan ee muddo qarni ka badan markii ugu horeysay laga hirgaliyey magaalada Dhanaan.

Dhanaan waa magaalo ka tirsan gobolka Shabeele waa magaalo fac weyn marka la eego da'da magaalada.

 

 
TV Afdheer