Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Madaxweyne Farmaajo oo soo celiyey xukuumaddii ra'iisul wasaare Saacid

MUQDISHO (afdheer) Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra'iisul wasaarihiisa ayaa soo celiyey masuuliyiin xilal u soo qabtay kuna soo daray golaha wasiiradda iyo taliyeyaasha ciidamada.

Xilalka dowladda cusub waxaa u badan dad xilal hore usoo qabtay oo aan ku cusbeyn siyaasadda.

Xilalka xukuumadda cusub waxaa u badan madax la soo shaqeysay xukuumadii ra'iisul wasaare Saacid.

Soomaali badan ayaa aaminsan in xilalka taliyayaasha ciidamada ku deg degeen xukuumaddan cusub marka la is barbar-dhigo saraakiisha xilka laga qaaday iyo kuwa loo magacaabay ay aad u kala duwan yihiin kana tayo fiicnaayeen kuwa laga eryey shaqada.

Magacaabista xukuumadda ayaa weli socota in kastoo inta badan xilalka xukuumadda la magacaabay waxaa isbadel lagu sameynayaa safiirada iyo xilal kale.

Qaabka xukuumadda cusub wax u maamuleyso dowlad goboleedyada qaarkood kuma qanacsana waxaase si guud dhammaan dalka Soomaaliya looga soo dhaweeyey dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.

 
TV Afdheer