Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Madaxweyne Cabdi-Iley oo booqanaya gobolka Wardheer matoor biyo oo uu xadhigga ka jaray.

Wardheer ( Afdheer) Wafti uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi-Iley) ayaa booqasho ku maraya gobolka Wardheer wuxuuna xadhigga ka jaray matoor biyo oo lagu farxay.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maray dhul miyi ah iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Wardheer wuxuuna la kulmay maamulka iyo shacabka deegaankaas ku nool.

Inta badan madaxweynuhu ma tago gobolada dowlad deegaanka ee ka fog Jigjiga wuxuuna safarkan ka mid yahay safaro faro ku tiris ah oo uu madaxweynuhu ku tago deegaanada durugsan.

Shacabka deegaanadan ayaa si aad ah ugu farxay booqashada uu madaxweynuhu ku marayo Wardheer oo ka mid ah gobolada ay abaartu ku billaabatay.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inay garab socdaan taakuleyn la siiyey dadka ay abaartu dhaafisay xoolahoodii ee ku nool deegaanada uu booqday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dowlad deegaanku wuxuu baal fiican ka furay taariikhda deegaanka wuxuuna qabtay shaqo wanaagsan oo loo baahnaa in hore loo qabto xilli dhammaan dalalka bariga iyo geeska Afrika la tacaalayaan abaar. Madaxeynuhu wuxuu ka qeybqaatay sidii loo caawin lahaa gurmad deg deg ahna loogu fidin lahaa dhammaan shacabka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

 
TV Afdheer