Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad qiime leh ka jeediyey shirka ururka jaamacadda carabta.

(Afdheer) Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka qeybgalaya shir madaxeedka ururka jaamacadda carabta oo ka socda dalka Jordan ayaa khudbad loo riyaaqay ka jeediyey shirkaas.

29 March, 2019

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Mudanayaasha Haybadda u saaxiibka ah, Mudanayaasha sar sare ee sharafta iyo mudnaanta leh

Guddoomiyaha Ururka Jaamacadda Carabta

Mudanayaasha iyo marwooyinka halkaan ku sugan

Al-Salaamu Caleykum Waraxma tullahi Wabarakaatuhu

Waxaan qudbadeeda ku bilaabayaa mahadcelin iyo qadarin aan u dirayo boqotooyada dalka Urdun ee aan walaalaha nahay Boqor ahaan, xukuumad ahaan iyo Shacab ahaan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Boqor Cabdullaahiga Labaad, hoggaamiyaha shirka 28-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta kaasoo casuumaad wanaagsan noo soo diray si aan uga qeybgalno howshaan qiimaha leh, ugana mahadcelineyno sida wanaagsan ee uu noo soo dhaweeyey isla markaasna noo marti qaaday.

Sidoo kale waxaan mahadcelin aad u badan oo uu muteystay u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga Mauritania ee aan walaalaha nahay Maxamed Walad Cabdullacasiis kaasoo shir guddoominayey shirkii hore oo ay yeesheen Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta isagoo ku hoggamiyey si amaan ah isla markaasna xikmadeysan.

Inkastoo aan markii ugu horeysay ka qeybgalayo shirka Jaamacadda Carabta ii ogolaada inaan uga mahad celiyo mudanayaasha heybadda u saaxiibka ah iyo xoghayaha guud ee Dowladaha Jaamacadda Carabta hambalyadii ay usoo direyn doorashadii aan ku dooranay Madaxweynaha Jamguuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan dadaalkeyga ugu dambeeyo ku bixiyo sidii aan u noqon lahaa xubin firifrcoon oo ka qeyb ah Wadajirka Carabta.

Mudanayaasha heybadda iyo sharafta u saaxiibka ah:

Waxaa dabiici ah in la qabto shirka Jaamacadda Carabta sanad kasta xilli dowladaha Carabta heysato duruuf gaar ah, waxaana shir kasta looga hadlaa arrimaha gaar ah oo u baahan in laga qaato go’aamo ku haboon Xaaladaha taagan, Shirkaana wuxuu kusoo aaday isagoo loo qabo baahi gaar ah, sidoo kalana wuxuu imaanayaa xilli xaalad adag ay soo wajaheyso Wadamada Carabta oo isugu jirto mid amni, mid siyaasad, mid dhaqaale iyo mid bini’aadanimo oo nooga baahan inaan si wadajir ah wax uga qabano isla markaasna aan mideyno dadaaladeena, hadalkeena iyo inaan qaadano go’aan munaasib ah oo aan uga ugubno xaaladaha hadda taagan iyo inaan ilaalino mustaqbalka wadamadeena iyo shacabkeena.

Dhibaatooyinka amniga iyo kuwa bini,aadanimada waa waxyaabaha ugu halisan ee hadda heysta wadamada carabta, waxayna inta badan ka dhalatay Khilaaf gudaha ah, wadamadeena Ciraaq, Siiriya, Libiya iyo Yeman waxaa heysto xaalado dagaal, xasilooni la,aan, iyo amni la,aan, sidaas darteed waxaan dhammaantood ugu baaqeyna inay dagaalada joojiyaan isla markaasna ay mideeyaan safafkooda, waxaan leenahay waad aragteen tijaabo idinku filan oo qaraar, mana jiro wax ka fiican wadahadalka iyo in miiska wada xaajoodka la fadhiisto, markaas kadibna meel wada jir ah looga soo wadajeesto argagixisada diidan nabadda maadaama ujeedkoodu yahay inay dhammaanteyn na beegsadaan.

Dhibaatooyinkaas iyo caqabadahaas aan ka hadalnay waa mid ka taagan wadamo badan oo ka tirsan carabta halka kuwa kalana ay hadda kusoo socoto, macquul maahan in si fudud loo joojiyo dabka holcayo haddii aanan kulankaan ku qaadan go,aano siyaasadeed oo muhiim si dabkaas loo damiyo ka hor inta uusan ku faafin qeybaha kale ee nabadda ah.

Waxaan halkaan dardaaran walaaltimimo ugu soo jeedinayaa wadamada ay hadda ka taagan yihiin Khilaafaadka, loolanka gudaha iyo rabshadaha anigoo leh ka faa’ideysta tijaabadii iyo cashirkii laga bartay Soomaaliya maadaama aysan jirin wax ka fiican in kursiga wadahadalka la wada fadhiisto, mar kasta oo uu dagaalka sii socdo waxaa daadanayo dhig, waxaadna ogaataan marka ugu dambeyso inaad magangalyo usoo doonan doontaa kursiga wadahadalka, sidaas darteed waxaa waajib ah inaad hadda joojisaan dhigga daadanayo.

Mudanayaasha heybadda iyo sharafta u saaxiibka ah:

Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinkaas hareeyay dunida Carabta, haddana waxaan bishaaro idiinkaga wadaa Soomaaliya, oo bilowgii sanadkan ay ka dhaceen doorashooyin, si nabad ah ku dhamaaday oo aan horay loo arag, dimoqraadi ah, xor ah, daah furan oo dunida oo dhan ay daawaneysay, ka soo bilow doorashooyinkii Barlamaanka. Waxaa xigay doorashadii madaxweynaha oo aan ka xamaasad yareyn, taas oo xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay doorteen madaxweyne cusub iyagoo gudanayo waajibaadkooda dastuuriga ah kana jawaabayo rabitaanka dadkooda oo iyagana soo dhaweeyey natiijada doorashada , sidoo kalana waxaa soo dhaweeyey bulshada Caalamka.

Doorashadaas ayaana codka lagu dhiibtay sanaadiiqda cod bixinta, natiijada kadibna waxaa si nabadgalyo ah awooda xukunka ku kala wareegay madaxweynihii hore iyo madaxwyenaha cusub iyadoo ay xaadir ahaayeen bulshada Soomaaliyeed, kuwa Caalami ah iyo saxaafadda gudaha iyo dibadda, markaas kadibna sida dastuurka qabo iyo nidaamka ka jiro Soomaaliya waxaan walaalkeyn Xasan Cali Kheyre u magacabnay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya kaasoo helay kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya , wuxuuna 21 Bishaan March soo magacaabay golaha wasiirada , wuxuuna hor geeyey Baarlamaanka si kalsooni loo siiyo.

Mudanayaasha heybadda iyo sharafta u saaxiibka ah:

Dowladda cusub ee u dhalatay Soomaaliya waxaa hor taagan caqabado badan oo u baahan in looga gudbo taatiko iyo inay walaalaheyn iyo saaxiibadeena nagu caawiyaan inaan ka gudubno.

Caqabadahaas aan sheegayo aad ayey u badan yihiin, waxaana ugu daran waxyaabaha soo socdo:

Halista Argagixisada

Weerarada joogtada ah iyo qaraxyada ay argagaxisada ay ku baabi,inayaan dhismooyinka ay Soomaalida ku dhisteyn dadaalkooda iyo dhididkooda, sidoo kalana ay ku baaba’eyn kumanaan naf oo aan wax galabsan isla markaasna ay is difaaci karin ayaa ah halista ugu weyn ee hor taagan inay soomaaliya dib u dhismato lana soo celiyo amaanka iyo xasiloonida.

Waa sax inay argagixisada noqotay cudur ku faafay inta badan qaaradaha adduunka, balse anaga waxaan musiibadaan ka cabaneynaa muddoo aan yareyn oo aysan jirin dowlad naga badan inta ay na dhibaateeneyso argagixisada, iyadoo la raacayo tijaabada lasoo arkay waxaan caalamka ugu baaqeynaa inay mideeyaan mowqifyadooda isla markaasna ay isku habeeyaan dadaalado iyo Kheyraad si looga hortago lana dabar gooyo daacuunka argagixisada ee aan cidna ka tageyn.

Mowjadaha Abaarta iyo Gaajada:

Abaarta kusoo laalaabato Soomaaliya waa mid ka dhalato isbadalka cimilada, roob la’aanta, angagidda wabiyada iyo guritaanka ilaha biyaha, waxayna midaas sababtay gaajo iyo inay faafaan cuduro dilaaga ah oo saameeyey 3 Malyan oo isugu jiro carruur, haweyn iyo odayaal Soomaaliyeed, waxayna hadda halis ugu jiraan dhimasho haddii aanan la badbaadin lana gaarsiin kaalmo.

Sidoo kale abaartaas ayaa sababatay inay dhintaan Malaayiin ka mid ah hoolaha ay Soomaaliya dhaqato oo lagu tiriyo inay tahay midda ugu weyn ee kaalmeyso dhaqaalaha Soomaaliya.

Si looga hortago abaartaas waxay u baahan tahay gargaar deg deg ah oo hirgalo si loo kaalmeeyo dadka dhibaateysan, sidoo kale waxay u baahan tahay dadaal dhex dhexaad iyo mid waqti dheer ah si xal waaro looga gaaro abaarta soo laalaabatay isla markaasna la hirgeliyo ilo biyood iyo ballaarinta dhul beereedyada.

Fursadaha dhaqaale oo aad u yar

Wax shaki ah kuma jiro in wadan la kulmay silsilado dagaalo, dilal iyo jahwareer 26 sano uu burburayo dhaqaalihiisa, uuna gaarayo xaalad musalifid, mid faqri, si kasta oo ay u weyn tahay waxa ka imaan karo iyo si kasta oo uu koro dhaqalahiisa, xaaladaasna waa midda uu ka cabanayo shacabka Soomaaliyeed waqtigaan hadda taagan wuxuuna bixinayaa wax kasta oo looga gudbi karo.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa soo wajahay caqabadahaas iyo halistaan, waxaana hadda socdo dadaalo rasmi ah oo ay wadaan shacabka kuwaas oo isku dadayo inay u gurmadaan dadka abaarta saameysay, waxaana tabarteena dhan isugu geynay sidii aan dadkaas dhibaateysan u gaarsiin laheyn Raashin iyo daawo inkastoo waxaas yar ee an heysano aanan ku gaari karin hadafka aan tiigsaneyno iyo daboolidda baahida dadka dhibaateysan, sidaas darteed waxaan walaaheyna aan isla dhalanay ee carabta ugu baaqeynaa haddii ay ahaan lahaayeen dowladaha, ururada Kheyriga iyo ganacsatada inay usoo istaagaan sidii loo badbaadin lahaa Malaayiinta Soomalida ee u dhibaateysan in lasoo gaarsiiyo kaalmo bini,aadanimo oo deg deg ah oo isugu jirto raashin, daawo iyo biyo nadiif ah oo la cabo naguna waraabiyo beeraha iyo xoolaha.

Mudanayaasha heybadda iyo sharafta u saaxiibka ah:

Kaalmooyinka waqtiyeysan iyo mucaawinada gargaarka ah macquul maahan inay xal u noqdaan waxyaabaha aan ka cabaneyno ee dhibaatooyinka dhaqaale, sidoo kalana ma xaqiijin karto inaan gaarno meesha aan hiigsaneyno oo ah koboca dhaqalaha, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo gaarsiinta muwaadiniinta amni, sidaas darteed waxaan walaalaheyna dowladaha Carabta ugu baaqeynaa inay qaadaan tallaabooyinka ay kamid yihiin:

1) Garab istaagidda dowladda Soomaaliya iyo ku taageeridda la dagaalanka argagixisada iyo xagjiriinta, iyadoo midaas loo marayo dhisidda ciidamada Qaranka Soomaaliyed, helidda agabka military iyo hubka laga maarmaanka ah iyo in la saacido waxqabadka garsoorka iyo cadaaladda.

2) In dib loogu laabto qodobadii gaarka ahaa ee lagu taageerayey Soomaaliya kana mid ahaa go,aanadii lagu qaatay shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta ee is xig xigay, iyadoo dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ay rajo weyn ka qabto fulinta qodobadii ku qornaa go,aanadaas, waxaan shirkaan hadda socdo ku codsaneynaa in laga soo saaro go,aano ku baaqayo in kaalmo deg deg ah la gaarsiiyo Soomaaliya si looga hortago caqabadaha iyo halista aan soo sheegnay, sidoo kalana waxaan codsaneynaa in la dhaqaajiyo lana fuliyo dhammaan go,aamada gaarka u ah Soomaaliya oo aan ka xusi karno midkii ka dhacay Sharma Shiikh ee u gaarka ahaa Sidii kaalmo lacageed oo deg deg ah loo garsiin lahaa Soomaaliya oo aheyd in bil kasta Miisaaniyadda Dowladda lagu taageero 10 Malyan oo Dollar Muddo hal sano ah. Waxaana rabaa inaan halkaan mahad ballaaran uga jeediyo dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait oo go,aansatay inay martigeliso shir lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya, anagoo rajeeneyno inuu u qabsoomo sida ugu dhaqsiyaha badan, weliba waxaan ugu baaqeyno dowladaha carabta inay gacan weyn ka geystaan hirgelinta shirkaas maadaama waxbarashada ay kaalin weyn ka qaadan karto xallinta Mushkiladaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso Dhibaatada rabshadaha iyo ka hor tagista in dhalinyarada Soomaaliyed ay ku biraan ururka argagixisada.

3) Waxaan ugu baaqeynaa ganacsatada carbeed inay maalgelin ka sameystaan Soomaaliya isla markaasna ay furaan suuqyo loo iib keeyo wax soo saarka Soomaaliya.

4) Soo gudbinta wixii suurtagal ah oo kaalmo lacageed ah ama deyemo waqti dheer si Soomaaliya looga caawiyo inay soo saarato kheyraadka ku duuugan dhulkeeda, badeeda iyo kobcinta ilaha dhaqale ee beeraha, xoolaha iyo Malayga.

Gebagabo

Waxaan gabagabdii mar kale mahadcelin u jeedinayaa Fadhilatul Al-Malik Cabdullaahiga Labaad, Boqorka dowladda Jordan ee Haashimiyada aan walaalaha nahay anigoo ilaahey waydiisanayo inuu guul iyo towfiiq noogu soo dhameeyo kulankeena.

Mahadsanidiin

W/Tujumay: Cabaas Cali Xasan

 
TV Afdheer