Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo yeelan doona ra`iisul wasaare.

Baydhabo (Afdheer) Waxaa jira qorshe uu damacsan yahay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden oo uu ku doonaayo inuu isku dhaandheyn ku sameeyo golaha wasiiradda dowlad gobolkedka koonfur galbeed.

Golaha wasiirada koonfur galbeed ayaa noqon doona tiro yar waxaana la magacaabi doonaa ra`iisul wasaare uu maamulka koonfur galbeed golihiisa marka la dhiso isna la magacaabo kaasoo awood u leh inuu la xisaabtamo xilkana ka qaadi kara wasiirkii shaqadiisa gudan waaya.

Shariif Xasan ayaa qorshahan gaaray ka dib markii ay xildhibaanada koonfur galbeed qaarkood ku eedeeyeen inuusan sidii loogu talo galay xilkiisa u gudan lana xisaabtamin xisaab dhab ah golihiisa wasiirada.

Koonfur galbeed ayaa noqon doona dowlad goboleedkii ugu horreeyey ee sameeya nidaam ka duwan nidaamyada dowlad goboleedyada soomaaliya ka jira haddii uu ka dhabeeyo inuu dhisi doono gole wasiiro tayo leh oo tiro yar iyo ra`iisul wasaare  ay badhabo yeelato.

 

 
TV Afdheer