Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedtada Soomaaliya.

Muqdisho (afdheer) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulanno uu la yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada intii ay socotay xafladii caleemasaarkiisa ka wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin abniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.

Abniga dalka guud ahaan in ay dowladda iyo dowkad goboleedyadu maamulaan shabaab-na dagaal lagu qaado si dowladdu u gaadho deegaanada aysan joogin ayey isla meel dhigeen.

Dhaqaalaha ayaa laga wadahadlay sidii dowladda dhexe u heli laheyd qeybtii ay ku laheyd dhaqaalaha dowlad goboleedyada waxaana la raaci doonaa shuruucda dastuurku xadiday marka uu baasgareeyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaa la isla gartay in dhammaan hay'adaha ka howlgala dowlad goboleedyada Soomaaliya iska diiwaan galiyaan dowladda dhexe haddii kale dhammaan mashaariicda ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya laga joojin doono iyadoo loo marayo dalka ay hay'adaasi ka diiwaan gashan yihiin.

Dhanka Siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in ay yeeshaan wadashaqeyn dhow si ay u fududaato hoggaaminta guud ee sitaasadda dalku.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa safar ku tagi doona Kenya waxayna is arki doonaan sida la hadal hayo madaxda dhowr dal oo afrikaan ah oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaas.

 
TV Afdheer