Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Cabdiraxmaan Faroole iyo Muqdisho.

Muqdisho (Afdheer) Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland ahna musharrax u taagan madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xaflad lagu qabtay gobolka banaadir.

Mar hadaan dhisnay aqalkii sare oo lagu guuleystay doirashooyin xalaal ahna la qabtay hadda wixii ka dambeeya waxaan sugnaa waa dowlad qaran oo loo dhan yahay. Sidaas waxaa yiri Faroole.

Khudbad uu kulankaas ka jeediyey Faroole wuxuu yiri "magaalada Muqdisho waxay ahaan jirtey magaallo qaran oo la wada deggan yahay laakiin waayadii dambe waa lagu kala guuray oo hadda cid ayaa u badan maamulka gobolka banaadir waxaan ka rajeynayaa in la soo celiyo meeqaamkii ay laheyd Muqdisho oo dib u dejin loo sameeyo dadka dhul iyo guryo la siiyo wixii hanti ah ee la kala heystana la isku celiyo"

Faroole sidoo kale wuxuu yiri waxaan arkay aqalkii baarlaanka Soomaaliya waxaan is iri ma madfacii horishiimaa ku dhaxay! Anigu 4 jeer baan Xamar imi afta jeerba kheyr baan waday.

Cabdiraxmaan - Faroole wuxuu shirkaas ka sheegay in la shisay labadii aqal loona dhiibay laba oday uu doonayo in isaga laga dabageeyo isagoo ah madaxweynaha Soomaalita.

Cabdiraxmaan-Faroole ayaa muqdisho yimid dhawaan wuxuuna la yimid 30 askari oo ah illaalo u khaas ah kana mid ah ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Puntland.

Faroole waa hoggaamiye adag oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay shaqsiyaadka aqoonta u leh hoggaaminta wanaagsan.

 
TV Afdheer