Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Madaxweynaha Kenya oo booqday Garissa.

Garissa (Afdheer) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqday Garissa xarunta waqooyi bari dalka Kenya ahna xarunta Garissa county.

Madaxweyne Kenyatta oo ka khudbeeyey fagaare ku yaala magaakada Garissa isagoo saaran baabuur dusha ka furan ayaa yiri  "waa been-abuur in Jubilee ay cadaadiso muslimiinta wuxuuna sheegay inaysan jirin eedeyntaas oo dowladiisu masuuliyiin u magacowday muslimiin xilal kala duwan isagoo sheegay in aysan helin xilligii kuwa mucaaradku xilka hayeen"

Uhuru Kenyatta ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dhulka Soomaalida Kenya waxaana xaqiiq ah in Uhuru yahay kan codka badan ka heli kara xubnaha u tartamaya Madaxweynaha Kenya gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Garissa county, masuuliyiinta dowladda dhexe ayaa si diiran Garissa ugu soo dhaweeyey Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalka Kenya booqashadan ayaa lagu macneeyey qeyb ka mida Kenya election 2017.

 

 
TV Afdheer