Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Awoodaha aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Muqdisho (afdheer) Labadan aqal shaqadoodu way kala qeexan tahay in kastoo loo baahan yahay inay si wadajir ah labada aqal u sameystaan nidaam ama sharci si waafi ah u kala qeexaya awoodahooda waxaana howsha baarlamaan waxay hadda ku caddahay qodobada 71, 80, 81, 82, 83, 89aad ee dastuurka dalka Soomaaliya awoodda inta badan waxaa leh aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Aqalka sare ee Soomaaliya shaqadoodu waa inay wakiil ka yihiin maamul goboleedyada dalka iyo inay ka qeybgalayaan marka uu aqalka hoose wax ansixinaayo ama u codeynayo doorashada madaxweynaga Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya marka ay kabada aqal isu yimaadaan waxaa guddoomin kara mid ka mida guddoonka (aqalka sare iyo aqalka hoose).

Tallaabadii u horreysay ee uu aqalka hoose ee baarlamaanka Solmaaliya ansixiyey oo wax ka baddalay waxaa ka mid ah halka ay u dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna baddalay xubnaha gudigga qabanqaabada uga qeyb galaya aqalka sare oo ahaa 5 senator laakiin baarlamaanka golaha shacabku ku kordhiyey 1 senator taasoo la micno ah in aqalka sare guddiga qabanqaabada ku yeelanayaan 6 senstor oo ka kala iman doona 6da maamul ee ka jura Soomaaliya kuwaasoo kala ah Jubaland, Koonfur galbeed, Hirsgsbeele, Galmudug, Puntland iyo Somaliland.

Aqalka hoose ee baarlamaanka waxaa guddiga qabanqaabada uga qeybgalaya 10 xubnood.

Awooda Sharci dejinta, ansixinta hinda sharciyeedka iyo la xisaabtanka xukuumadda waxaa leh aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Soomaaliya iyo aqalka sare oo si ka qrybgal ah uga qeyb qaadanaya.

Aqalka sare waa aqal ku cusub Soomaaliya mana laha wax awood ah haddii uusan imaan khilaaf madaxda sare ee dalka iyo aqalka hoose ama dalku galin xaalad deg-deg ah, aqalka sare wuxuu la codeynayaa marka uu cod dhiibanaayo waa mar si ka qeybgal ah oo kaliya ula midoobayo aqalka golaha shacabka Soomaaliya ee uu afhayeenka u yahay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) marka laga reebo kulamada u gaarka ah.

 
TV Afdheer