Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Gaadiidka Bajaajka oo ku soo batay magaalada Garissa.

Garissa ( afdheer) Ku dhawaad saddex bilood gaadiidka ay raacaan dadka reer Garissa waxaa ka mid noqday saddex lugoodka loo yaqaano Bajaaj.

Dumarka ayaa mooto-bajaajkan si badan u isticmaala maadaama ay ku adag tahay inay dumarku raacaan mootada caadiga ah oo ay inta badan bulshadu u arkaan anshaxdarro gabadh raacda mooto.

Bajaajka ayaa si walba uga fiican mootada iyo Taxi marka la eego dumarka ka adeegta suuqa iyadoo ay dumarku sheegeen in Bajaajku ka raqiisan yahay taxi una fududahay inay gurigaaga hortiisa ku geyso maadaama ay mari karto meel taxi uusan mari karin.

Lacagta bajaajku waa 50 shillin ruuxii.

Dad badan ayaa aaminsan in qiimaha taxi iyo bajaaj aysan kala duwaneyn maadaama ay 4 ruux qaado Bajaajtu  qiimaha afarta ruuxna qiimahoodu yahay 200 shillin taasoo la micno ah in 200 shillin taxi aad qaadan karto.

Bajaajku waa gaadiid aad looga isticmaalo dalalka soo koraya aduunka waana gaadiid mashquuliya wadooyinka magaalada.

Marka la is barbardhigo Taxi iyo Bajaaj waxaa u wanaagsan bulsho inay isticmaasho taxi, qiimaha oo ah midka jaaniska siinaya Bajaaj ayey wadayaasha tagaasidu ku tilmaameen inay isku qiima yihiin haddii ay 4 dumar ah oo isku xaafad ah wada raacaan taxi.

Faafin: afdheer.com

 
TV Afdheer