Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Geel ay qaateen shabaab oo qaar laga soo dhiciyey.

Kismaayo (afdheer) maalmo ka hor geel tiradiisa lagu sheegay tiro ka badan 2000 neef ayaa laga kaxeystay galbeedka Kusmaayo iyadoo ay kaxeysteen Shabaab.

Ree miyiga iyo maamulka Jubaland oo is kaashanaaya ayaa ka daba-gurmaday si qoysaskii laga dhacay geela loogu soo celiyo.

Khaalid Sheekh Cabdullaahi waa taliyaha nabadsugidda dowlad gobokeedka Jubaland wuxuuna sheegay in qeyb ka mid ah geelaas laga soo celiyey Shabaab dagaal dhax maray shabaab iyo jubal uuna raji fiican ka qabo in dhawaan ay soo celin doonaan inta kale.

"Geel gaaraya 2.500 neef iyo dad ayey shabaab kaxeysteen waxaan ka soo celinay qeyb dagaalo kharaar oo dhacay kadib waxaan u mahadcelinayaa ciidanka Jubaland waxaanan rajeynayaa in mar dhow geela weli shabaab heystaan ay gacanta ku soo dhigi doonaan ciidamada Jubaland" sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka nabadsugidda Jubaland.

Ciidamada Jubaland oo kaashanaya dadka reer guuraaga ah ayaa ballan qaaday inay shabaab ka soo celin doonaan geelaas loona soo celin doono qoysaskii laga dhacay.

 

Faafin: afdheer.con

 
TV Afdheer