Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Geel la sheegay in laga dhacay galbeedka Kismaayo.

Kismaayo (afdheer) sida uu idaacadda BBC laanta afsoomaaliga usheegay ugaaska beesha la sheegay in laga dhacay xoolaha waxaa reer miyiga galbeedka Kismaayo lagala tagay 2000 geel ah.

Geela ayuu ugaaskaas sheegay in ay dhaceen shabaab una kaxeysteen dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Sababta loo dhacay Geela beeshaas ayuu sheegay inay tahay ciidamada jubaland iyo kuwa amisom oo deegaanadaas tagay.

Waraka qaar ayaa sheegaya in ay Geelaas u gurmadeen ciidamada Jubaland ee ku sugan Kismaayo iyadoo lagu amrray inay geelaas ka soo celiyaan shabaab si kasta iyo goob kasta oo la geeyo,

Saddexda gobol ee Jubaland in ka badan 80% ma aha deegaan ay Jubaland maamusho mana jiro magaalo ay maamulka Jubaland joogaan oo ay 50 Km miyigeeda maamulaan taasoo sahlaysa in waxyeello loo geysto marka ay reer miyigu isku dayaan inay taageeraan dowladda. Nasiib darida heysata dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ah in ay leeyiihiin ciidan tababaran oo badan laakiin aan awoodin in ay aadaan ama joogaan meel aysan joogin ciidamada nabad illaalinta ee amisom.

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
TV Afdheer