Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Baydhabo oo laga diiday in 5 xildhibaan dib loogu celiyo doorasho.

Baydhabo (afdheer)  Guddiga xaliinta khilaafaadka dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inay joojiyeen oo ay waxba kama jiraan tahay  doorashadii 11 xubnood oo lagu doortay Baydhabo, hurshabeele, Galmudug, Jubaland iyo Puntland.

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed war ka soo baxay ayaa lagu shaaciyey inay doorashada 5 xubnood oo ay ku soo celiyeen guddiga khilaafaadku tahay mid u dhacday si sax ah loona baahneyn in lagu noqdo doorasho kale.

"Dib u soo celinta xildhibaano laga doortay koonfur galbeed waa mid siyaasadeed oo danno gaar ah laga leeyahay saxna ma aha in dib loogu noqdo" sidaas waxaa yiri guddiga doirasgada koonfur falbeed Soomaaliya.

Dib in loo doorto 11 xubnood oo ay shaaciyeen guddiga khilaafaad qaran ee doirashooyinka Soomaaliya 2016 oo ka kooban 25 xubnood waxaa sidoo kale diiday Puntland.

Jubaland waxaa lagu soo celiyey doorashadii xildhibaanka Gaaljecel oo kismaayo lagu doortay xildhibaan hore Cabdulaahi- Shaacir iyadoo guddiga khilaafaadku heleen dacwo uu gudbiyey nin la tartamay oo ah wasiirka batroolka iyo tamarta  Maxamed Mukhtaar.

 

afdheer.com

 
TV Afdheer