Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Ha la dalllacsiiyo ciidamadii ka qeybqaatay abniga doorashada sidaas waxaa yiri Shariif Xasan.

Baydhabo (afdheer) Baydhabo waxaa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xildhibaanada cusub ee federaalka lagana doortay koonfur galbeed iyo guddigii doorashada KG.

Xafladan sagootinta ah ayuu madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ku ammaanay guddigii doorashada KG iyo ciidamadii abniga doorashada sugay ee isugu jirey Soomaalida iyo AMISOM.

"Ciidamada abniga doorashada Sugay ee koonfur galbeed min hal darrajo ayaan dallacsiineynaa waxaanan ku baaqayaa ciidamada dowlada fedraalka iyo ku AMISOM ee ka qeybqaatay sugidda abniga doorashada in sidoo kale cidda ay khuseyso min hal darrajo la dalkacsiiyo" sidaas waxaa yiri: madaxweynaha koonfur galbeed dalka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aden.

Dowlad goboleedka koonfur galbeed waxaa laga doortay 69 xildhibaan aqalka hoose ee federaal ah iyo 8 xildhibaan aqalka sare ee federaalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedkan oo dhisan muddo ka yar 2 sanno waa maamul goboleedka ka taliya 90% saddexda gobol ee maamulku ka kooban yahay. Maamulka KG ayaa horumar weyn u tallaabsaday dhanka dhismaha ciidamada Boliiska, Daraawiisha-Boliiska, nabadsugidda iyo Asluubta dowlad goboleedka koonfur galbeed. Sidoo kale dhammaan xafiisyada maamulka ayaa si rasmi ah u shaqeeya tan iyo markii la dhisay KG.

Afdheer.com

 
TV Afdheer