Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Axmed-Madoobe: Shabaab iyagaa na soo weeraraya annaguna difaac baan ku jiraa!+ VIDEO

Kismaayo (Afdheer) Madaxweynaha jubaland Sh Axmed Macamed ayaa wareysi uu siiyey idaacadda SONA ee qaranka Sooomaaliyeed ayuu kaga warramay arrimo xaasaasi ah wuxuuna cadeeyey in aan diyaar loo aheyn xorreynta meelaha ay maamusho Shabaab taas masuuliyadeedana ay leeyihiin madaxweynaha dowladda federaalka iyo ra`iisul wasaraha Soomaaliya.

" Ciidamada qaranka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidamada dowlad goboleedyada iyo ciidamada amisom maxay u xorreyn laayihiin dhulka ay shabaab maamusho iyadoo la ogyahay inay maanta aad u liitaan shabaab. anigu waxaan qabaa inaan diyaar loo aheyn oo aan loo soconin sababtoo ah difaac baan ku jiraa iyaguna waa weerar madxweynaha jubaland ayaa isweydiiyey OO AANAGU MAXAAN U WEERARI WEYNAY" sidaas waxaa yiri Sh-Axmed madoobe.

"Shabaab inay noolaadaan waa wax la isku ogyahay waayo tirada ciidamada ee Soomaaliya joogta iyo shabaab wax la isku qiyaasi karo ma aha waxaa diidaya in hal maalin dalka oo dhan duulaan ku qaadaan shabaab oo dalka laga ciribtiro iyagaa wax weeraraya annagaa difaac ku jirna" sidaas waxaa yiri Sh-Axmed.

Dim lights

Sh. Axmed Madoobe ayaa sheegay in bacda ramadaan qorshahoodu yahay inay xorreeyaan deegaanada jubaland ee aa gacantooda ku jirin wuxuuna madaxweyne Axmedmadoobe sheegay in xitaa deegaanada ay joogaan aan dhaxdooda la isaga gudbi karin.

Madaxweynaha Jubaland ayaa dhaliisha dowladda federaalka tusaale ugu soo qaatay in wiilka arkay calan ka suran dukaanka oo kan jubaland ah inuu moodayo in yahay calankii dalka Soomaaliya lahaa dowladda federaalka ayaana masuuliyadaas leh ayuu yiri Sh-Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay inuusan musharax aheyn 2016 kadibna uusan u socon uuna doonayo inuu noqdo ganacsade si xor ah uga hadli kara waxa uu aaminsan yahay oo ay danka ummadda soomaaliyeed ku jirto inta uu joogo Jubalannna uu doonayo inuu magac kaga tago iyo wanaag.

Shirka ka socda baydhabo oo ah shirkii ugu dambeeyey ee madasha ayuu sheegay in ummaddu ka sugeyso wax fiican inuu kasoo baxo isaguna uu rajeynaayo inay madaxda Soomaalidu ku da`daalio doonaan sidoo dalka Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd 2016 taas oo uu sheegay inuu 100 % filayo inay doorashadu dhici doonto.

Ugu dambeyn Sh-Axmed ayaa sheegay in ay haboon tahay in Soomaalidu ku hadlaan luqadooda afSoomaaliga ah isagoo sheegay inuu ka baqayo inay cirib go`do luqadeenu wuxuuna ytusaale usoo qaatay madaxda Turki ee dalkeena timaada waxay ku hadlaan luqadooda.

Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in dalku hal dal yahay ayna fiicneyd in sidiisii hore ee dalku ahaa uu ahaado laakiin dantu keentay in federaal la qaato si la iskugu noqdo oo dalku u midoobo in dalka la googooyo ma qabo dowlad dhexe oo awood leh ayaanan aaminsanahay in dalku yeesho inay fiican tahay.

Sh-Axmed Madoobe ayaa sheegay in nin diin yaqaanay oo mas`alo diini ah ka jawaabi karay inuu jirey dulyadeynkii shalay halkan lagu dilay uuna aaminsan yahay inaysan caqiido u dagaalamaynin shabaab hadda sidaas darteed loo sahlayo in ay dhalinyaro ka qortaan deegaanada ay joogaan iyagoo marin habaabinaya.

 

 

 

 
TV Afdheer