Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Guddiga doorashada Soomaaliya

Muqdisho  (afdheer) Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku magacaabay 22 xubnood oo noqon doona gudigga doorashada Soomaaliya 2016.

1. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa

2. Maxamed Jaamac Mursal

3. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen

4. Sahra Maxamed Cali Samatar

5. Maxamed Cabdi Xayir

6. Saalax Axmed Jaamac

7. Maxamed Keynaan

8. Nafiisa Geedi Santuur

9. Cabdiraxmaan Xabashow

10. Baarliin Cadami

11. Cabdiweli Xersi Cabdulle

12. Saadiq Abshir Garaad

13. Aadam Ibraahim Aw Xersi

14. Cabdicasiis Sheekh Xuseen

15. Cabdiraxmaan Aadan Sate

16. Maxamed Cabdi Nuur

17. Xuseen Qaasim Yuusuf

18. Cabdullaahi Salaad Yaroow

19. Axmed Maxamed Saciid

20. Fardowsa Maxamed Ducaale

21. Aamina Cabdullaahi Dheerow

22. Raaxo Maxamed Janaqow

 

Sida ku cad wareegtada madaxweynaha Soomaaliya 5 Wasiir oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa lagu saleeyey 4.5 waana 5ta beelood ee soomaali loo qeybiyey.

5ta aqoonyahan sidoo kale waxaa lagu saleeyey 5ta beelood.

12ka xubnood ee kale waxaa waxaa la hadal hayaa in loo badiyey beelaha Daarood iyo Hawiye.

Beelaha Daarood iyo Hawiye ayaa tiro guud 22 ka xubnood ka helaya min 6 xubnood halka beelaha kale ay heleen min 4 xubnood.

Sida ku cad wareegtada madaxweynaha Soomaaliya uu ku magacaabay 22 ka xubnood ee gudigga doorashada waxaa la socda oo dheeri ku  ah 5 xubnood sidii ay hore u saxeexeen golaha madashu waxayna u baahan doontaa in goluhu ansixiyo 5taas xubnood ee dheeriga ku ah maadaama hore loo jaangooyey in gudigga doorashada Soomaaliya noqdo 17 xubnood.

Golaha madasha qaran ee dalka Soomaaliya ayaa Baydhabo ku yeelan doona shirkii ugu dambeeyey ee madasha aayaha Soomaaliya si loo dhammeystiro wixii u dhiman shirkaas oo lagu ballansanaa 20.6.2016 ayaa baaqday waxaana la filayaa in uu furmi doono isla Wiigaas dhammaadkiisa.

In kastoo aysan jirin cabasho rasmi ah haddana waxaa suuragal ah in dhanka sharciga lagu cadaadiyo 5ta xubnood ee dheeriga ah laguna soo daray gudiga doorashada.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu madaxweynaha Soomaaliya qaato gi'aan deg-dega soona saaro wareegto waxaa wareegtadan ka horeysay mid awoodiisa uu ku muquuniyey xildhibaanada baarlamaanka federaalka dalka Soomaaliya kuna ansixiyey wareegto madaxweyne.

 

Faafin: afdheer.com

 
TV Afdheer