Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Dhaantada Dun Xariira ee Abwaan Stanza

Hindisaaga: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza) Magaca Dhaantada: Dun Xariira Habeentiriska: 12/5/2014 Habka:

Talantaalli. Dun xariira iyo Dahab lagu misaal Daleys Aadaneey Dumar lama sinnide Waad I deeqdayoo Ku duldhigay naftoo Jalleecada daymada Kugu dirindiree Dul Shabeelle iyo Dhulka dubayadiyo Hantidiyo dakhliga Dalag badan Godey Gabbal iyo Dusmiyo Ma Doollaad ka timid Daanta Wabi-cillaan Mise Haradigeed?

Dun xariira iyo Dahab lagu misaal Ragna doorkiyoow Waad I deeqdayoo Wadnahaad dagtoo Dhax-dangiigsatoo Jalleecada daymada Kugu dirindiree Huunno Daahiroow Dal-jir geesiyoow Kaama durugsaniye Dooxada Dhanaan Dhirta doogga badan Ee dalxiiska mudan Doh gabiiba iyo Dannood baan ka imid.

Dun xariira iyo Dahab lagu misaal Huunno Dayax ifaay Sida doog bixiyo Daruuraha cirkoo Dammaashaadayoo Uu dugsiiyey roob Ishu kuu daydaa Dix Hargeelle iyo Hawdka Diilhariyo Ma Docmaad ka timid? Mise Daharre iyo Dooxa Faafaneed? Dun xariira iyo Dahab lagu misaal Sida ubaxa deyr Man dallaallimoo Ka dul-baxay ugbaad Dabeyluhu lulaan Diillimaha indhuhu Intey daris noqdeen Dareen-side qalbiga U dirsada jaceyl Ishu kuu daydaa Huunno Daahiroow Kaama durugsaniye Diridhabiyo Harar Daakhataan ka imid.

Dun xariira iyo Dahab lagu misaal Dabiiciga dhirtiyo Dammallada dhidboon Hoobaan diriba ceyn Ku daboolan tahay Ishu kuu daydaa Waad I deeqdayoo Kugu dirindiree Huunno Deeqaluul Middaan doortayee Dumar kala baxaay Dacallada Jigjiga Aan dalxiis-tagnoo Dirgax Dhaantiyo Ku dabbaal-dagnee Daadah gacanta keen.

Dun xariira iyo Dahab lagu misaal Hunno Daahiroow Daltabada qurbaha Waan ku daalayoo Kuma diirsanine Waxaan doonayaa Dambar caana-geel Duurka Gunnagadiyo Diisha Ceelbardiyo Dusha Dagaxmadow Inaan wada-dagnoo Ku ildoogsannee Maba daahsaniye Dooloow aan tagnee Daadah gacanta keen.

 

afdheer

 
TV Afdheer